Relationships
Trending

Sidaa Kuheli Kartid Marwo Saalixad ah

xaas wanaagsan, marwo saalixad ah

sida lagu helo xaas wanaagsan ama nin waangsan Waa su,aal in badan qof kasta is weydiiya sida aad ku heli karto xaas fiican ama nin fiican waa masalo in badan ku soo dhacda maankada oo aad u weysay jawaab waa masalo aad ka shaleysay gabdha aad qabtid oo caruurta ku dhashay in ay tahay mid lagu qasaaray oo aanba waxba lagu xulan karayenin sidoo kale abaha ilmahaaga aad iska dhahday kan calaf un ba kuu geeyey ma ahan ruux lala noolaan karo
hadaba sida lagu helo qof wanagsan ood calaf guur la wadaagto waxaan kusoo qaadan doonaa ilaa 7 dodob,
1: adiga noqo qof wanaagsan oo taqwo leh
2: noqo baaru waalid ama waalidkaa baari u noqo
3: ilaahay waydiso xaas ama nin wanaagsan ducada badi
4: yeelo saaxiibo waangsan kana fogoo kuwa xun
5: qarabada aad taqaano ka dhax raadi gabar ama wiil wanagsan
6: intaa haasawa ku jirto balan been ah ha galin
7: xalaal quud noqo markasta
aan isku dayno qodobadaas oo faah faaahsan
1: adiga noqo qof wanaagsan oo taqwo leh
ilahay waxuu quraankiisa ku sheegay in duamrka iyo raga saalixaadka ah ay leeyihin kuwa saalixad ka ah
sidoo kale ayad kale alle sw waxuu yiri kuwa zineysta ee raga ah ama duamr ah waxay lee yihiin kuwa zineysta ee raga ama dumar ah, sidaa datreed inaad noqoto adiga ruux wanaagsan waxa ay kuu sahleysaa inaad hesho ruux wanaagsan waana arinta kuwaad ee laga rabo ruuxii xaas ama nin wanagsan doonaayo inuu noqdo ruux ALLE SW ka baqa oo taqi ah rag iyo dumar ba
2: noqo baaru waalid ama waalidkaa baari u noqo
bal kawaran adoo caasi waalideen ah oo waalidkaa kusoo habaareen hadana radinaayo gabar ama wiil baari ah taas waa kaaf iyo kali dheeri marka hadaa rabto inaad hesho xaas ama nin wanaagsan marko hore raali gali walidkaa in badan buu Alle SW quraanka kaga hadlay in raali galintiisa uu daba dhigay raali galinta waalidka
marka ducada walidkaa waxaa la yiri waa deeq rabi waana arin muhiim ah hadaa rabto inaad dagtid oo heshid xaas ama nin wangsan inaad labdii ku dhashay raali galisay ghadal koodana maqasho say kusoo koriyeena aad u koriso hadey nool yihiin hadey dhinteena aad u duceysid una camal fashid[sadaqul jaariya u bixisid wayo waa xaq ay kugu leeyihin baarinimada xataa hadey dhinteen]
3: ilaahay waydiso xaas ama nin wanaagsan ducada badi
ilahay waxuu quraankiisa ku sheegay ruuxii waydiistaa xaajo inuu siinaayo una sahlaayo jidkii uu ku heli lahaa marka xiliga aad damacsan tahay guurka si qaas ah u badi baryada ilaahay waliba xiliyada ducada aqbal ka tahay sida salaatul taajidka xili saq dhexe ah la tukado ilahay la waydiisto waxaad rabtid
ducada waa cibaado waana muhiim in aad tahay ruux og in xalkiisa ku jirto gacanta eebe kana dal banaayo eebe inuu kuu sahlo waxaad maanka ku hayso ee xalaasha ah.
4: yeelo saaxiibo waangsan kana fogoo kuwa xun
waxaa xaqiiq ah in saaxibaha yihiin kuwa kugu yeelanaayo saameen mid mustaqabal iyo mid hadaba xtaa saaxibaha way saameen kugu yeelan karan inaad noqotid ruux Alle ka baqa oo janada ilaahay galo ma ruux dad leysa ciqaabta Allana muteysta
dadka kugu ag xeeran waa dadka aad la wadaagto wax yaalo badan oo noloshaada si dadban iyo si tos ah ba ku saameeyaan bal kawan adoo kuwa qaadka iyo qashinka cuno saxiibo la ah hadana ruux wanagsan raadinaayo see ku helaa goob ruux wanagsan lagula kulmo maba joogtide mana tageyside
marka iska ogow nooca ay yihiin saxiibaha aad leedahay.
5: qarabada aad taqaano ka dhax raadi gabar ama wiil wanagsan.
hadii aad joogtid wadan ayna gabdhaha ama raga muslimaadka ah ee kula dhaqan ka joogin waxaad dhihi kartaaa ehelkaaga guur baan rabaaye ee gabar wanaagsan hala ii badi goobo ama nin wanaagsan ceebna ma ahan in ruux aad dhahdid isoo raadi ruux wanagsan wa arin talo fican ah.
6: intaa haasawa ku jirto balan been ah ha galin.
balanta oo laga baxaa ama balan been ah oo la sheegaa waa calaamad munaafiqnimo kuuna hor siidi karta inad aad u gasho mid adoo kala ah benalow baqalanta ka baxa ama kabaxda marka iska ilaali inaad wax ben ah sheegtid inaad ruux wanagsan raadineyso
7: xalaal quud noqo markasta.
noqo qof xaal quudka ah sabtoo ah ado xaran cun ah ducadaada lama aqbalaayo mana noqoneysid xataa xaaranta la cuno waxay sameen ku yeelata ilmaha la dhali doono sababtoo ah dhicaanla jirkaaga ka imaado ayaa laga beeraa ilmaha kawaran dheecaan ama jir xaraaan kusoo koray ama kusoo xoogeystay waxa lag beeraayo ma ahan wax faaido leh markasta xaal quud noqo si ducadada ilaahay u aqbalo.
Waxaa jirta qiso dadkii wanaagsanaa ee hore laga wariyey nin ayaa waxuu lahaa lo malin malmaha kamid ah aay waxuu si kadis ah sac uu lahaa ku galay beer kadibna waxuu kasoo goostay dhawr xabo oo beerta ka mid ahyd ninkii qof na uma sheegin lo dii habeeenkii marka soo xaraatay baa ninkii sacii kusoo hagaagay caanihiisi ilahay waxuu isla habeen ki ninkii xaaskiisa calool galiyey wiiil kadib wilkii markuu dhashay bu noqday mid ka duwan caruurta intooda kale oo aad udhib badan kari waa ah kadib xaaskii ayaa way diisay habeenkii wilka aqal galay waxuu sameeyey waxuuna oga waramay sacii daaqay beerta ee uu canihiisii cabay
sababtoo ah waxii jirkaaga galo unbaa kasoo baxo dheecaan ahaana adoi lee galaa abuuray awlaadad.
waxii suaal ah comment waa igu waydiin kartaa ama contact us
fadlan la wadaag asxaabtaada.
No photo description available.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button