Relationships
Trending

Dhibaatada uu kala kulmo ardeyga markuu xariir jacayl sameeyo.

Asagoo markaas un soo dhameeyey dugsi hoose aadna u jeclaa inuu ku biro dugsiga sare ama secondary ga ayuu waxuu bartay gabar ay isku da ama ayni ahaayeen lakin ayada waxa ay dhameysay dugsi hoose mayna rabina in ay sii aado dugsiga sare ama secondary ga sababtoo ah waxa usocday dacwad qaaditaan ah oo uu abaheed oo Sweden jiray u xareeyey marka hami wayn kama ayna lahayn in ay sii aado dusgi sare lkn wiilka ay is barteen waxuu ahaa wiil wax barashada aad ugu fican reer kooda oo dhana ay la garab tag naayeen hiil iyo hoo marka ay imaado wax barashada. Arintaasna way ka muuqatay natiijada imtixaan kiisa oo waxa uu ka galay imtixaan kii dugsiga hoose dhexe ee lagu aadaayey dugsiga sare kaalmaha ugu horeeyo marka ardadii isku iskuul ka ahaa lo fiiriyo.
Mudo marka ay wada socdeen oo ah kudhawaad 4 bil waxa uu ku biiray dugsigii saree ee uu ku haminaayey waqtiga badan reerkiisana ay wada sugayeen.

Lakin waxaa dhib kasoo gaartay jacel kii uu u qaaday gabadha ayna isku wadada iyo isku maslaxada ahyn sababtoo ah ayada ma aysan rabin dugsi sare iyo wax barashadaba in ay sii wado sababta aan kor kusoo sheegay owgeed.

Wiilkaan oo ahaa ardey fahmo badan waxaa kasoo gaaray barashada inaantaas dhibaato badan oo sababtay inuu wax barashada wadi waayo ama kuu noqday mid inta badan ayada waqti ku lumiyo jecel inuu iskuulka inta uu soo ganbiyo ama usoo gooyo uu ayada xaafadooda sheeko ugu imaado markuu sas ku waday mudana uu is arkay asagoo imatixaan kii ka dhacay ama kaalmaha ugu hooseeya ka galay iskuulkiisa.

Tasoo sabab u noqotay inuu wiilkii noqdo mid gabi ahaanba iska haray wax barashadii oo xataa bartay muqaadaraad markii danbe sheeekadaan markalaan inkaga sheekeen waana sheeko aan ani goob joog u ahaa qormooyin taxane noqon doona insha ALLAH ayaan inkula wadaagi doonaa lakin hada waxaan ka hadli rabaa dhibka kasoo gaaro ardeyda marka ay isku dayaan in ay sameyaan xariir jacayl ama hasoowo.

Dhibaatada uu kala kulmo ardeyga markuu xariir jacayl sameeyo.
Dhibaatada uu ardeyga kala kulkmo marka uu sameeyo xariir uu la wadaago qof uu isleeyahay waxa qofkii aad is guur san lahaydeen ood nolosha wadaagi lahaydeen ayadoo laga yaabo in uuna arimahaas guurka u diyaar saneen oo xataa jawigeedi ama marxaladiisa ama waqtigii ku haboona uuna joogin ama kujirin ama uunsanba tabar iyo taagna midna u haynin waxaa uu la kulmaa ardeygaas wiil iyo gabar midii uu dooni ha ahaadee dhibaato ay ka mid tahay,
1: ardeyga oo wax barashada hoos oga dhaca,
Ilaahay SW waxa uu quraan ka ku yiri suuratul al – ahzaab ayaada 4 raad
mayeelin Eebe laba qalbi ruux laabtiisa
Marka halkaas waxaa kaaga cad in ayna suura gal ahyn wax barashadaan ku dadaali oon u gu i qalbigeyna uu ku xirnaan wax barashaada iyo iskuulka sidoo kalana xariir jacayl iyo haasaawe baan sameen waxaa laga yabaa ruuxaas aad xariirka la sameeneyso in aydaan isku dan ahayn sidii wiilkii iyo gadhaan aan kor inkaga soo sheekeeyey uu midkiin wax barashada ku jiro halka kan kalana uuna waxba dhigan marka sidaad iskugu imadaan ama isku aragtaan waa midkii wax baranaayey waqti ha lumiyo sidoo kale wiilka ama gabadha marka xariir sameyso halkaan waxaa ka dhalanaayo tartan uu mid kasta isleeyahay wiilkaan ama gabadhaan uuna ruux kale kala wareegin sababtoo ah adi bey ama buu kugu haboon yahay waxaa madaxaaga soo galaayo suaalo badan kadib qalbigaaga iyo fikir kaagaba waxaad iskugu gayn ruuxaas iyo arimahiisa waxa ku saabsan.

maareenta waqiga oo kaa lunta [ poor time management]

Wax barashada ruuxa ku jiro waxuu leeyahay waqti ka duwan tan dadka kale oo ardeyga waxa uu leeyahay waqti u gaar ah oo uu soo tooso ama uu seexdo bal ka waran hadii aad habeenkii oo dhan soo jeedo maalinta miyaad seexan waa maya ileen maalintii baa wax la bartaa oo fasalka la galaa adna habeenkii waxaad ku dhafartay ruuxa aad hadalkiisa wax wayn u aragtay adoo facebook ama whatsapp xalay oo dhan ku jiray way adag tahay inaad la mid noqoto ardey xalay 9 saac habeen nimo seexday 4 subaxnimana soo kacay inaad isku fahmo noqotaan iyo isku maskaxtoona.

3 si xun u istimalka lacagta aad wax barashada u isticmaali lahyd.

Waxa laga yabaa inuu qoyskiina yahay qoys dabaqada hoose ama dhexaba iska dheh waaa labada hada somalida u badan tahay, marka lagu siiyo 5 dollar subxa kasta oo lagu dhaho buug,qalin ku gado gaari raacna ka dhigo markaa iskuulka aadeyso lakin adi 2 dollar kaar baad ku gatay ama bundles baad ka dhigatay si aad ruuxa xariirka inka dhaxeeyo aad ola hadashid 3 dollar na waad isku qur qurxisay intaad tima jare tagay si ruuxaas uu kugu arko ruux soo jiidasho leh kadibna maalintaas iskuulka waad u ganbisay ama buugii macalinka soo gata dhahay badan gadan halkaas waxaa ka dhalatay waxa la yiraahdo poor financial/ resource management six un u isticmalka waxa aad haysato ood wax aan faaidolahayn u istic maasho.
Jcaylka iyo wax barashada

Lasoco qormada labaad qodoba kale iyo sheekada wiilka iyo gabadhii intee ku danbeysay iyo wiilkii oo ku calaacalo erayo ay kamid tahay markan tabar aan wax ku barto haayey talo ma ahynin hada oon talo haayana tabar aan wax ku barto ma haayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button