Health & Wellness
Trending

Maxuu Yahay Xanuunka AUTISM Ka

Waa Suaal Dadka Qaar is Waydiin Karaan

Inta aana qoralka u guda galin aan inla wadaago

Marxalad qabsatay gabar somali ah oo kuniil wadanka mareekan ka

Aan ugu yeero magaca gabadha faatuma

Faatuma waxa ay dhashay 2 cuno oo wiilal ah Ahmed iyo Ali, waxaa waynaa ahmed waxa uuna jiray 4 jir inta uu jiray ayda wax isbadal kornimaad ah mayna ka dareemin lakin waxay wax walba is badaleen marka ay ahmed gaysay meel school ah oo loo yaqano kindergarten ama preschool hadii aan somaliyeeyo waa meel caruurta maskaxdooda lagu dhiso inta aan la gaynin school ka caadiga ah.

Macalin kii ahmed gacanta ku haayey ayaa waxa uu ka dareemay wax ayna hooyadii ka dareemin oo ah waxa loo yaqano learning disability oo ah in uu la qabsan waayo waxa la baraayo caruurta qayrkiisa ah waxa uuna wacay hoooyadii woo waxa uu usheegay in wiilka ay wax si ka yihiin ayna tahay in ay dhaqtar ka geyso lakin faatuma way ka biyo diiday waxa ayna is tiri wiilkaga waxay ku arkeen diinta oo ah inuu waalid muslim ah dhalay iyo dhaqanka oo ah inuu africaan yahay kadibna waxa ay go aan ku gaartay in ahmed ay goob kale geyso alkin nasiib daro maalmo kadib sidii oo kale ayaa lagu soo war galiyey in cunugeeda wax si ka yihin ayn tahay in ay dhaqtar ka geyso kadib waxa ay geysay ahmed dhaqtarkii baaritaan dhanka psychology ga ah ama cilmi nafsiga ah kadib waxaa loo sheegay in uu ahmed qabo xanunka AUTISM ka waana kana an qormadaan kaga hadli doono.

Cunuga marka uu dhasho saacada uu aduunka kusoo biro ka bilaabata waxaa kudhacaya isbadal xaga jirka physical change iyo mental change xaga maskaxda ah waxaana ladhahaa chid developmenta ama koritaan ka cunuga waana waxa cunugu lagu ogaado in xaaladiisa korniin ay caadi tahay iyo in kale.

Korninka cunuga waxa uu si inyar inyar ah u baranayaa waxa loo yaqaano body gesture ama tilmaanta muuqata iyo inuu barto hooyadii ruuxa ay tahay kadib abihii kadib inta qof ee xaafadas joogto tusaale hadii hooyadii uu wax yar waayo wuu oynayaa hadii uu ruux kale u arko xaafada isha ayuu la raacayaa asagoo dareemaayo in ruuxaas uu xaafada ku cusub yahay

Waxaas oo dhan waa kporniin ku imaado cunuga.

Hada AUTISM ka maxuu yahay

Autism waa Cilad korriineed oo halis ah oo wax u dhimaysa awoodda xidhiidhka iyo isdhexgalka cunuga la yeelanaayo bulshada

Atutism waa xaalada cunuga soo food saarto marka uu dhasho ama mar marka qaar uu la kulmi karo asagoo uurka hooyadii kujiro waa xaalada saameyso inta badan korniinka maskaxeed ee cunuga nervous system habdhiska dareenka

Waxaana la dhahaa Autism spectrum disorders (ASDs) cunuga marka uu haleelo xanuun kaan waxa dhib kunoqoneysa

utism spectrum disorder waa xaalad la xidhiidha korriinka maskaxda taas oo saamaysa sida uu qofku wax u arko oo uu ula dhaqmo dadka kale, taas oo keenta dhibaatooyin xagga dhexgalka bulshada iyo xidhiidhka. Xaaladaas waxa kale oo ka mid ah dabeecado cunuga oo ku imaado xaddidnaan oo soo noqnoqda.

Maxay tahay calaamadaha lagu garto in cunuga uu qabo xanuunka autism.

  • Uma soo jawaabaan magacooda marka loogu yeero ee koowaad.
  • Ciyaarta, la wadaagida, ama la hadalka dadka kale ma xiiseeyaan iyaga.
  • Waxay door bidaan inay keligood noqdaan.
  • Waxay ka fogaadaan ama diidaan taabashada jirka, oo ay ku jirto laabta la galiyo ama hugging.
  • Waxay ka fogaadaan is-qabsiga indhaha in ay ruux indhahooda ku egaan ruuxa oo eegaayo [ They avoid eye contact.].
  • markay xanaaqsan yihiin, ma jecla in la sasabo ama la dajiyo oo way kugu sii xanaaqi
  • mafahmaan dareenkooda iyo dareenka qof ka kale tusaale hadii gaajo hayso ma fahmaayo oo kuma oranaayo gaajo baan dareemayaa sidoo kale hadii hooyadood ay qayliso ama xanaaqsan tahay ma fahmayaan.
  • Laga yaabaa in aanay gacmaha u kala bixin si ay wax usoo qabsadaan ama waxii loo dhiibo ay u hayaan.

Calaamda way badan yihiin lakin waxaa ugu muhiimsan cunuga oo dhib kala kulmo hadalka communication iyo xaga dabeecada oo cunuga noqdo mid iska qqalafsan oohin badan xanaq badan dadka jecel inuu qaniino sabab la aan

Gacmaha isku sacbiyo sabab la aan

Calaamadaan waxaa laga fiirin karaa dada 6 bilood ilaa 12 bilood ilaa 24 bilood marka uu soo gaaro.

Xanuunka autism ka maxa sababa

Ilaa iyo hada waxa dhabta ah ee sabao lama yaqaano waxna lagama ogow lakin baaritaano qar ayaa dhahaan waxaa mac quul ah in ay xaalado qaar sababi karan

  • Sida hooyo wayn oo ilmo dhashay yacni ayadoo wayn bey guur satay halkii da ee ugu danbeeyey camal ba laga hadlayaa Parents’ ages.
  • In ay tahay wax isir raac ah oo cunuga family kooda ama qoyskooda dad qaba ay jiraan Genetics.
  • Dadka qaar ayaa sheego talaalada la duro hooyada marka uurka leedahay lkn cadeen looma haayo waan un shaki .
  • Makaan ka hooyada oo jilicsan kadibna dawo lagu kaabay kadib ilmaha sas kudhasho waxa ay sheegaan .dhaqtarada inuu xanuunkaas wajihi karo.
  • Cunuga oo dhashaa 26 asbuuc wax ka yar waxa ay soamalida dhahdo shinkii uma dhamaan xoolahana la dhaho waa dhicis. Extremely preterm babies.
  • Hooyada inta badan ilmaha kasoo dilmaan sabab aana lagaran Karin wadada qaarna ay ugu yeeraan umi sabiyaan lakin ayada xaqiiq looma ogo.
  • Arrimaha deegaanka. Environmental factors Cilmi baadhayaashu hadda waxay baadhayaan in arrimaha ay ka midka yihiin caabuqyada fayraska, daawooyinka ama dhibaatooyinka xilliga uurka, ama wasakhowga hawadu ay door ka ciyaaraan kicinta xanuunka autism-ka.

Qormada qaybta labaad waxaan kusoo qaadan doona sida loo daweeyo cunuga qaba xanunkaas iyo sida waali diinta loo wacyi galiyo oo loogu taba baro si xanuun kaas cunug leh ay ola noolaan karaan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button