Personal Branding
Trending

Saameenta Dumarka Kala kulman Karaha bulshada

Maxay Tahay dowrta Arimood Ee Ay Gabadha Ka Dhax Sameyso Baraha Bulshada Ee Sababa In Ay Rag Badan Guursan Wayaan.
Ayadoo ay jirto calaf hadana daalka waa halkiisii waxaa laga yabaa inaay la yaan kugu noqoto ruux waxa uu facebook giisa ama barahiisa bulshada waxa uu kusoo qoro lagu qiimeeyo kadibna lagu xukumo ruuxa uu yahay qofkaas.
Si aad u fahanto qormadeyda nuxurkeeda bal weedhaan yar sii akhriso, :” maalin dhaweyd ayaa wiil saxiibkay ah igu yiri nin yahow waxaa jirta gabadh aan jeclahay oon la sheekeysto lakin dhawr arimood ayaan kunacayaa oona ku deg degeynin inaan guursado ee maxaad talo iga siin kahyd, Markaan waydiiyey waxa ay yihiin arimahaas waxuu igu yiri sida tan’ facebook ga ayay mar walba soo dhigtaa sawirkeeda waxaana ka falceliyo rag aad u badan ayagoo amaan laka dul dhacaayo wayna u jawaabtaa intooda badan, waxa ay jeceshahay iney meelaha dalxiis ka aado oy sawiro kusoo gasho waliba sawiro soo jiidasho leh oona jeclaysan iney soo bandhigto. Koley talo waaan siiyey lakin waxaan xaqiiq saday iney jiraan rag badan oo wiilkaas lamid ah gabdhaha ay la sheekeystaan ama guurka ka damacsan yihiin uu dhib ka haysto habdhaqankooda xaga baraha bulshada marka ee ay gabdhahaas ku kacaan.
Saas darteed waxaan soo aruuriyey dhawr qodob oo gabdhaha lagu nici karo hadey ka dhax sameyso baraha bulshada guurkeedana dib u dhigi karo hadey guurdoon tahay calaf badan ama rag fiicana ay ku wayn karto lakin intaana qodob badaas inla wadaagin bal mar labaad weedhaan akhriso.
Luuqada qalaad waxaa jiro wax ladhaho PERSONALITY afsomali ahaan waa qofnimada qofka waa waxa uu qofka gaarka u yahay ee dabeecadiisa qofna waa ka heli karaa qofna waa dhibsan kara ama nici karaa.
Qofnimada qofka aduunkan hada lajoogo laba nooc baa lagu ogaan karaa inaad qofka la nooshahay ood toos u arkeyso ficiladiisa iyo inaad bartiisa baraha bulshada ka qiimeyso ruuxa qofnnimadiisa.
Facebook ga Meesha waxa lagu qoro waxaa ku qoran what is in yiur mind oo micnaheeda tahay maxaa maankaaga kujiro, qofka shaqsimnimadiisa waa laba nooc internal personality iyo external pesonality’
internal personality qofka shaqsinimadiisa gudaha waxaa ogaan karo ruuxa la nool ee la hoydaywaxana mid ah ruuxa mid hurdo jecel miyaa ruux nadaafada jecel miyaa ruux xanaaq badan miyaa,ruux durbo iska xanaqo miyaa, ruux cuqdad badan miyaa oo qofka raali galintiisa aan ku qancin waa shaqsinimada ruuxa ee hoose tas waana sababta ay laba qof oo isjeclaa markaa aqal galan ay is fahmi wayaan oo kala tag ku biyo shubato ugu tan beynta sabatoo ah ruuxa shaqsinimadiisa hoose madan bara nee tan koro lee ka aragtay waxaana xoog badan mida hoose lakin external pesonality’ waa mida facebook kusoo bandhitid o laga ogaan karo ruuxa ad tahay iyo waxaad jeceshay waana mida uu facebok ku dhahay what is in your mind maxaa maankaaga kujiro ood adna kusoo bandhitid waxa maankaaga kujiro dadkana ay kugu qiimeyan waahalka ay soamalida ka dhahdo dariskaaga waa ilaalo aan laguu dirsan baraha bulshadana daris baa lagu yahay ee ogoow,
wakuwanaa qodobada gabdhaha qaar guurkooda dib u dhigo rag badan ay dhafoorada la qabsadaan sib al ay xal u helaan waxaa ka mid ah
1: inaad can ka tahay baraha bulshada : bal ka waran hadii hal sawir ood soo galiso kun qof ka fal celiyaan mid kastana waxuu rabo kusoo qoro adna aad si lamid ah u wada fal celiso adoon waxba kuu kala soocneen kii shukaansiga kaa rabay ama guurka kaa rabay wuu kugu wareeerayaa waxuuna kuu arkayaa qof dadka u siman ragana taas ma farxad galiso oo waxey jecel yihiin in qofka ay ka rabaan guurka kali u ahaato xaga ragana kala ay soo fara gashan.
2: sawir aad u qurux badan ood soo galiso bartaada : tan waxay ay farxad galisaa iney sawirkaaga arkaan kuwa aan danta kaa lahyn lakin waxa ay ka xanaajisaa midka guurka ka rabay waxuuna kuu arkayaa ruux aan dhaqankeeda iyo jir muuqalkeeda masuul ka noqon Karin wuuna kaa niyad jabayaa si kasta uu guur kaaga rabay wuu la laabanayaa ama waxuu bilaabayaa dib u gurasho iyi caga jiid.
3: inaad mar walba muqaaxiyaha ama hotelada adoo ka cunteenaayo soo sawirtid aadna jog tay sato inad la damaashaado saxiibada dibad jooga ah micnaha kuwa aydaan isku guriga ku hoyan.
4: inad camirada la saxiibto oo waxii aad la kulantaba soo bandhigto taas oo shaki galin karta in ninka ku shukaansanaayo wax yaalo badan oo run ah kala baqo oo isdhaho tan hadada wax sir ah ama talooyin ah ama sheeko ah la wadaagtid armey bari soo galisaa baraha bulshada hadada is qabataan sas darteed na uu kaa gaabsado.
5: iney gabadho safar badan tahay oo marbo meel usocoto isla markaana baraha bulshada kusoo sheegto safar keeda micnaha safar aan muhiim kuu ahayn oo iska ah safar jeeceel taasoo rag badan shaki galin karta in qoftaas ay tahay gabar guriga lagu aamini karo.
6: iney gabadha wati badan online iska tahay oy camal ka dhigato baraha bulshada rag badan waxay kuu arkayaan inaad tahay gabar shukaansi badan oo meelo badan gacmaha kula jirto wayna kaa gab sanayaan.
7: iney gabadha kaga faaloto ciyaaraha barteeda baraha bul shada taasoo rag badan ka dhigeyso inaad tahay gabar wiilasha la firsato ciyaaraha oo balwad leh xaga ciyaaraha
8: inaad aroos walbo adoo joogo aad baraha bulshada soo dhigto taas raga majecelo gabdhah inata badan jecel aroosyada iney adaan raga intooda badan majeclo.
9: iney goobaha dalxiisa aad u tagto oodna baraha bulshada kula wadaagto raga waxay kuu arkayaan ruux calooshii la ciyaar ah oo iska jecel raaxada meelaha cagaaran ee aan fikireynin ilnahana aan tarbiyeen Karin sidoo kalana ah ruux dhaqaale bur buris ah oo ana wax lagu aamini Karin.
FIIRO : gaar ah gabdha leh intaas oo dabeecad ah micnaheeda ma ahan iney xun tahay ee waxaan kawadaa raga intooda badan majeclo gabar astamahaas leh iney guursadaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button