Career Skills
Trending

Ka Faaiideyso 10 Kaan Maado Hadaa Tahay Ruux Waayey Waxbarashada Aas Aasiga Ahayd

waxbarashada farsamada gacanta

10 kaaan maado waa kuu muhiim hadaa tahay ruux waayey fursadii wax barashada Aas aasig ah.

wax barashada dadka waa wayn waa muhiim.

Tusmo

1: Tailoring & Dressmaking = Xarqaanle kan dharka fashion ka

2: Hairdressing/ barber = timo jare ama saloon

3: Motor Vehicle Mechanics = cilad bixiyaha gawaarida

4:Disaster Management = maareenta masiibooyinka

5:Electrical Wireman = korontaale

6:Fashion Design and Garment making = farshaxaniiste dhanwalba

7: Food Production = hagaainta cunda

8:Tour Guiding = caawiyaha dalxiiska

9:Housekeeping and Laundry = maamulida guriga iyo dhaqista dharka sida casriga ah

10: Pastry and Bakery = foornaale

 

 

Hordhac

Naxariis iyo nabad galyo NABI mohamed kor kiisa ha ahaato, waxaan raba inaan qormadaan kaga hadlo muhiimada ay ruuxa u leedahay wax barashada iyo haduu isu arko qof ay dhaaftay wax barashada asaasiga ah waxa la gudboon. Iyo sidoo kale ruuxa sida uu waqtigiisa oga faaiideysan karo una beeqaamin karo waqtigiisa.

 

 

Bal akhristoow an suaal kuweydiiyee ma jirtaa ruuxa xili uu wax barashada ka waaynaado oo uuna u baahneen inuu wax baarto? Jawaabtaada adi baan kuu daayey lakin ani jawaabteyda ayaa ah MAYA mar kasta wax barashada waa loo baahan yahay oo lagama waynaado.

 

Inta la og yahay ilaahay Anbiyadiisa ayagoo waa wayn ayuu risaalada usoo dhiibaa Nabi MOHAMED SCW markii wax yiga lagu soo dajinaayey waxuu ahaa 40 jir inta badan asxaabatiisana way ka waynaayeen asaga waxa ayna ka xifdiyeen quraanka iyo kumannaan xadiis wayni bes ah ma ahayne xataa waxay ahaayeen kuwo kunool nolol adag oo u baahan in wax kastoo la rabay waqti badan lagu bixiyo bal kawaran safar lagaa sugaaayo raashiin la quuto oo bilooyin badan dhaxda kusoo jiraayo intaaas in la eg na dhaxda kusii jiraayo.

 

 

Hadaba uma qiil dayi kartid wati baan u la ahay inaan wax barto iyo waan ka waynaaday hada wax barshada sabatoo ah nabigii ilaahay asagoo ganacsade ah baa lagu soo dajiyey wax yiga asxaabta ayagoo xoolaha iyo beeraha dhaqda bey quranka iyo axkaamta kale barteen oo xifdiyeen anaga waxaa inoogu sug naatay tusaale fican.

 

Inkastoon qormo kale kaga hadli doono haduu ALLE idmo wax barshada diiniga ah lakin qormadaan waxaan kusoo qaadan doona wax barshada maadiga ah ee uu ruuxa wayn uu baran karo mar xalad walba oo uu kujiro waxaan tusaalaha ugu soo qaatay asxaabata iyo sidii ay wax ku baran jireen maxaa yeelay wax walba nolosha aan manta kunool nahay ayagaa tusaale inoo ah iyo kudasho xataa hadii aad cilmi danawi ah baraneyso marjaca ugu danbeeyo waa ayaga iyo nabi mohamed scw jidkoodii in lagu daydo si aad u hesho dhiiri galin iyo tarmar ku hami galiso.

 

10 kaaan maado waa kuu muhiim hadaa tahay ruux waayey fursadii uu ku baran lahaa wax barashada aas aasiga ah waxaad ku heleysaa shaqo si fudud hadii aad barato waqtiga hada lajoogo meel walba aduunka.

 

 

  1. Tailoring & Dressmaking = Xarqaanle kan dharka fashion ka.

 

  1. Hairdressing/ barber = timo jare ama saloon.

 

  1. Motor Vehicle Mechanics = cilad bixiyaha gawaarida.

 

  1. Disaster Management = maareenta masiibooyinka.

 

  1. Electrical Wireman = korontaale.

 

  1. Fashion Design and Garment making = farshaxaniiste dhanwalba.

 

  1. Food Production = hagaainta cunda.

 

  1. Tour Guiding = caawiyaha dalxiiska.

 

  1. Housekeeping and Laundry = maamulida guriga iyo dhaqista dharka sida casriga ah.

 

  1. Pastry and Bakery = foornaale.

 

 

 

  1. Tailoring & Dressmaking = Xarqaanle kan dharka fashion ka.

Xifardaan somalida waxa ay dhahaan dawaarle ama xarqaanle lakin aduunka waxaa lagu bartaa jamacadaha waxa ayna leedahay heerer kala duwan waxana soo hoos gala nooc walba oo dhar loo naqshadeeyo oo loo tolo waa xirafad dadka leh hada aduun ka war shadaha soo koraayo ay ku tar tamaan dhanka kale kaagama baahno inaad barato aqoon kale inaad leedahay ama da gaar ah umana baahna qarsh badan inaad ku barato oo xataa meelaha qaar haayado baa dadka free ama bilaash ku baro, sidoo kale hadii aad barato adiga ayaa abuuran karo shaqo aan lacag badan u baahneen bilaabitaankeeda marka wa kuu muhiim inaad barata si aad noloshaada ugu filnaato.

 

2. Hairdressing/ barber = timo jare ama saloon.

 

           

Xirfadaan sidoo kale uma baahna inaad aqoon kale leedahay ama aad iskuul soo martay kali ah waxaad u baahan tahay inaad go aan qaadato waqtigaaga 40 saac oga horto sababto ah 40 sacadood ayaad xirafadan dhan ku baran kartaa xtaa malintii hal saac waa 40 maalmood lakin xirfadaan ayaa ah mid suuq leh waliba aad ku bilaabi karto lacag yar si aad noloshaada u kaabtid.

 

3. Motor Vehicle Mechanics = cilad bixiyaha gawaarida.

Xirfadaan waa suuq sii balaaranaayo maadaama ay bateen gaadhidii waxaa lagama maar maan ah iney u baahan yihin ruux cilad bixiya MVM ama Motor Vehicle Mechanics = cilad bixiyaha gawaarida waxaa dalalka qaar lagu bartaa jaamacadaha iyo koloj yada waxa ayna leedahay heerarkala duwan sida diploma,certificate adina waad baran kartaa adoo u bahneen inaad jamacada u aado aqoon kalena lagaga baahneen waa xirfad suuq joogto ah leh lacag ficane ay kasoo galeyso.

 

4. Disaster Management = maareenta masiibooyinka.

Xifadaan waa la shaqeenta laan qeerta cas ama xirfad u lahaan shaha sida loo sameeyo biyo xireenada dhaliyo fatahaada sida loo damiyo dab ka oo waxaa soo hoos galaayo xirafada dab damiska ayada shaqaalaheeda uu ku yar yahay suuqa inaad barataane kagama baahna aqoon kale.

 

5. Electrical Wireman = korontaale.

Xiradadaan waa ka shaqenta korontada sida guryaha oo lagaliyo iyo marka cilad ku timaado oo la cilad bixiyo ayadana uma baahana waqti aad u dheer kali ah waxaad ku baran kartaa 3 ilaa 6 bilood heerka kowaad waa xirafad suuqeeda joogto yahay oo dalab joogto ah leh

Halki guri ee ka kooban 4 qol waxaa lagu galiyaa marka uu cusub yahay lacag u dhaxeeyso 300 boqol ilaa 400 boqol oo dollar bal kawaran hadii aad bishii galiso 10 guri.

6. Fashion Design and Garment making = farshaxaniiste dhanwalba

Waxa laga yabaa inaad u maleyso waxan aad gacmaha ku qabto iyo kabaha qaar eed qabto in warshad soo saartay lakin ma soo saarin warshad ee ruux baa gacantiisa kusoo sameeyey, halkaan waxaa soo dhax gali karo sida loo talo danbiilaha oy aad ka u jecel yihiiin dal xiislayasha ,masafta iyo agab kasta oo farshaxan lagu sameeyo waxa ay na leeyihiin suuq aad u fican oo xataa dibada loo dhoofiyaa.

 

7. Food Production = hagaainta cunda.

Waxaa laga yabaa inaad is waydiiso cuntada ma ruux aan hagaajin Karin baa jiro maya sas ma ahan ee waa istic maalka qalabka casriga ah ee jikada lagu istic maalo ee lagu kaydiyo nooc yada kala duwan ee cuntada hoteelada iyo muqaaaxiyaha waana suuq hada kusoo badanaayo Africa iyo somalida oo dhan xirfadeedana ku yaratahay xata waxaad arkeyso hotelada muqdisho oo dalal kale kasoo wadanaayo dad xirfadaas yaqaano markii ay dalkii ka waayeen.

 

8. Tour Guiding = caawiyaha dalxiiska.

Xirafadaan waxa ay u baahan tahay kali ah aaminaad lagu aamino iyo inaad la timaado dhaqan wanaagsan good behavior waa xirfad hadii aad barato aad lacag ka sameen karo adoo dalka aad joogtid kusoo dhaweenaayo dadka imaanaayo oo kala baraayo lakin waa inaad ad isa soo bixisaa si ay dadka kuu bartaan meel lagag soo xariirana aad sameyso lakin dadkaas kala duwan sidii loola dhaqmi lahaa wa inaad soo barataa.

9. Housekeeping and Laundry = maamulida guriga iyo dhaqista dharka sida casriga ah.

Maamulida guryaha sida hoteelada jiifka iyo istic maalka mashiinada dharka lagu dhaqo ee casriga ah waa xirafad suuq leh waqti yar na aad ku baran karto.

 

10. Pastry and Bakery = foornaale

Xirfadaan somalida waxa ay u taqaana foor noole hadii aana qal daneen waa sameynta wax walba oo cunta ah oo lasmeeyo sida rootiga,buskudka, xalawada waa xirfad suuq leh barashadena ay sahlan tahay hadii aad baratana aad ku shaqeen san karo ama aad shaqo abuur ku sameen karto.

Lasoco qormada 2 baad sida loo dhigto ama loo sameysto hiigsi sanadka cusub.

hadii aad ka heshay la wadaag asxaabtaada, mahadsanid

 

by Mohamed Sagal

community development specialist.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button